Untitled Document
Date : 22 Wed February 2012
Ciidamada Yuhuuda Dad ku qab qabtay Dul-karam Yuhuudda oo ka dhisaysa magaalada Qudus dhismayaal sharcidara ah Yuhuuda oo Magdhow ka doonaysa Dalal Carabta ka mid ah Wada hadaladii Falastiin iyo Israel oo dib uga furmay Jordan Xuska sanadguuradii 3-aad ee xasuuqii Gaza
Aqsa Menu
Maqaaladda
Waraysiyadda
Filimaanta
Sawiradda
Nala Soo Xiriir
Palestine links
A B C D E
F G H I J
K L M N O
P Q R S T
U V W X Y
Z

 

Hooyo reer qudus ah: qudus kama tanaasuleeyno


Al-xaajah Faadima Masluuxi waa hooyo falastiini ah qeybna ka ah 5qoys oo ku hartay goobta loo yaqaan ?Baab Al-magaaribah oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee laga soo galo Masjidka barakeeysan ee Al-aqsa.

Marka aad aragto xaajiyadaan waxaa kuu sawirmayo dhibaatooyinka joogtada ah ee uu ka cabanayo masjidkaan.

halka sheekadeedaan aad kusoo xasuusaneeysid xaasuus taariikhi ah isla-markaana murugo Leh.

Al-xaajiyah Faadimo waxa ay ku dhalatay magaalada Qudus kuna bar-baartay waxaana iskadhalay Aabe Falastiini ah iyo hooyo reer Maroco ah.

xaajiyada ayaa marka ay guursatay waxa ay ninkeeda ay ula safartay dalka Maroco halkaa oo uu shaqo ka helay ,hasa yeeshee xajiyada ayaa mudo kadib waxa ay kusoolaabatay magaalada Qudus gaar ahaan mandiqada loo yaqaan Baab Al-magaariba ama meesha reer Maroco.

Webka Ikhwanonline.

com ayaa waxa uu xaajiya Faadimo la kulmay intii lagu guda jiray shirkii bishii November ka dhacay dalka Turkiga oo lagaga hadlayay arimaha Qudus waxaana dhexmaray sheekadaan oo aan usoo gudbineeyno aqristayaasheena.

Su'aal - waa maxay farqiga u dhaxeeya Baab Al-magaariba iyo dhulka Al- magaariba? Jawaab - majiro farqi u dhaxeeya labaadaa meel Baabkaan waxa uu qeyb kayahay 14 Albaab oo uu leeyahay masjidka Al-aqsa.

4kamid ah Al-baabadaan oo ku taal dhinca koonfur iyo bariba waxaa la xiray ka dib markii hogaamiyihii Salaxu diin uu dib u xureeyay magaalada Qudus.

Sidoo kale Baab Al-magaariba ayaa waxa uu qeyb kayahay 7 Al-baab oo ku taalo gidaarka galbeed ee masjidka waana jihada ugu danbeeysa ee koonfur galbeed taas ayaana ka dhigatay in uu ahaado meeshii ugu horeeysay ee ay Yuhuudda beegsato markii ay qabsatay dhinaca bari ee magaalada Qudus.

Sidoo kale Baab Al-magaariba waxa uu ku dhawyahay meesha loo yaqaan ?Xaa'id Al-buraaq.

Yahuuddana ay ku magacaawdo ?Xaa?id Al-mabka.

taasina waxa ay keentay in ay Yuhuudda ay islamarkii ay soo galeen Qudus ay furayaashiisa ay la wareegaan ayaga oo markii danbe u bedalay meel ay soo maraan marka ay rabaan gudaha masjidka oo ay dhibka iyo tacadiyada ay u geysanayaan dadka muslimiinta ah ee cibaadeeysanaya.

Jidka Al-magaariba waa wadadda goobaha koonfureed ku xerta masjidka ka hor inta ay Yuhuudda diidin in la maro ayada oo u ogalaatay kaliya ciidamadeeda, waana meeshii uu Shaaroon uu ka soogalay masjidka iyo xubnihii garabka mayalka adage ee kadanbeeyay.

Albaabkaan ayaa sidoo kale waxaa loo yaqaan albaabka Al-buraaq ,Albaabka Nabiga iyo waliba Albaabka xaafada reer maroco ayada oo loo tiirinayo markaa dadkii reer Maroco oo iyaga deganaa halkaa ,laakiin ay Yuhuudda halkaa ka kabarakicisyay bishii June sanadka markuu ahaa 1967 ayaga oo u barakacay dhinaca dalka Urdun kadibna ku laabatay wadankoodii asliga ahaa oo ah Maroco.

Xiligaa Yahuudda waxa ay tirtireen meela muhiim ahaa sida madaaris iyo gooba kale ee ku yaalay halkaa.

Yuhuudda ayaa waxa ay kudadaashay sidii ay u qabsan lahayd Xaa?id Al-buraaq sida ay markaa ugu badasho waxa ay u yaqaanaan Al-mabkaa; hasayeeshee dadkii daganaa xaafadda Al-magaariba ayaa waxa ay isku dayeen in ay taagaan darbi ay kaga hortagayaan Qorshahaa Yuhuudda taasina waxa ay keentay in iskahorimaad xoogan in uu dhexmaro dadka muiliinta iyo Yuhuudda sanadka markii uu ahaa 1929 taasi oo looyaqaan kacdoonkii Buraaq.

Dadka reer Maroco ayaa waxa ay dageen Qudus qarnigii 13aad ee miilaadiga xiligii boqorka Al-caadil Ayuub ilaamaa sandkii 1967 oo ahayd markii ay Yuhuudda qabsatay magaalada markaa oo la haajiriyay dadkii reer Maroco ee halkaa deganaa.

Hada waxaa ku haray xaafadaa tan iyo markaa 5guri kaliya oo ay leeyihiin dadka reer maroco kuwaasi oo ay ku hareereesanyihiin dhismayaal dhaadheer oo ay Yuhuudda xoog ku dhisteen.

Su'aal - maxay idiinku ogalaadeen Yuhuudda in aad halkaa ku hartaan? Jawaab - xagashaa yar aan wali ka daganahay ayaa la rumeeysanyahay in ay tahay dhul ay leeyihiin reer Maroco ,sidaa darteed ?Alle ayaa og-waxaa jira xiriir u dhaxeeya doowladda Marco iyo maamulka Yuhuudda.

Sidoo kale waxaa jira in ay rabto Yuhuudda in ay aduunka ay ka dhaadhiciso in ay si nabad ah loogu dhaxnoolyahay.

Waxaana sidoo kale aan meesha aan ka mareeneyn in ay jiraan xod-xodasha ay Yuhuudda ku hayso dadka meesha degan si ay isaga baxaan meeshaa.

XOD-XODASHA JOOGTA AH

Su'aal - waa maxay xod-xodashooyinka ay wadaan waasa noocee? Jawaab - waxaa jira xod-xodasho dhinac kasta leh oo ay Yuhuudda dadka yar ku haayaan , masalalan waxa ay ii sheegaty haween dariskeeyga ah in nin Yahuudi ah uu u soo bandhigay lacag fara badan si ay isaga tagto qol ay daganeeyd oo aad u yar waxa uuna u sheegay in uu ka iibsanyo guriga asiga oo siinaya lacag aad u fara badan.

waxaa jira Jumciyad Yuhuudi ah oo qaabilsan in ay iibsato goob kasta oo ay dagan yihiin dadka carbata si kasta oo ay goobtaa u yartahay.

Aniga waxaa jirtay in leega dumiyay qol yar oo aan daganaa waxaana dayactiray aniga oo aan helin wax rukhsa ah.

Su'aal - sabab? Jawaab - kumasiinaayaan wax ogalaasha ah si aad u dayacatirto hadii aad sameeysana kuuma ogala.

Su'aal - maxay idiinku diidayaan ogalaashaha? Jawaab - wax kala ma aha waxa ay doonayaan in dhismahaa oo iska baa?ba markii uu waayo wax dayactir ah kadibna aad meesha isaga haleesho.

Markii ay ii diideen ogalaasho waan u tagay waxaana ku iri qaadiga maxkamadii lee wareeejiyay waxa iga soo horjeeda guri oo dabaq ah oo mar kasta la hagaajiya (guri ay la wareegn) waxa uuna igu yiri ma aha hool kuu taal waxa uu na igu yiri hadii aad hagajisa gurigaada waa lagaa dumin.

Runtii doodaa laba sano ayay socotay markii aan hagajiyay waxaa ay iigu yimaadeen ciidan fara badan sida ayaga oo dagaal u socdo waana dumiyeen qolkeeygi ayaga oo igu amray in aan u celiyay dhismihiisii hore.

Waxa aan ku iri waxaan ku jirnaa qarnigii 21aad marka ma xaq baa in aan ku noolaano meel aan la hagaajineyn oo hooy u noqtay dooli iyo baranbaro.

Runtii wax yar ma aha dhibaatooyinka halkaa nagu haysta lakiin waxaan naga go?an inta aan noolnahay in aan halkan joogno.

Su'aal - maxaa ka tilmaami kartaa dhibaatooyinka haysta haweenka reer maroco ee halka ku nool? Jawaab - waxaa jira haween reer Magrib ah oo ay qabaan rag Falastiiniyiin ah.

haweenkaas waxa ay ka imaanayaan dhinaca magrib ,markii ay iqaamada ka dhacdo nidaamka Yuhuudda uma ogalo in ay soo cusbooneeystaan iqaamooyinkooda taasi oo keeneysa in ay iqaamada dhacdo.

haweenkaas awood uma laha in ay soo booqdaan eheladooda jira dalka Maroco.

Waxa jira haweeneey ka mid ah haweenkaa oo aabaheed dhintay ayada oo aanan arag hadana cabsi ka qabta in ay hooyadeed ay dhimato ayada oo aan arag.

Su'aal - taladaada qaabkii u aragtaa xalaka dhibaatoyinkiina? Jawaab - arinteena ma aha mid ay xalin karto shucuubta ,balse xalka waxa uu ku jiraa gacanta dadka talada haayo madaxda kuwaasi ayay tahay in ay cadaadis ay ku saaraan nidaamka Yuhuudda si ay u joojiyaan dhibaatooyinkaa.

Aqsa Media Center

latest Interviews
Dhibka lagu hayo masjidka al-aqsa oo sii kordhaya. ...
Aqsaonline.net Copyright © 2009 - Designed by Aqsa Team