AL-DAWAHIR OO LOO CALEEMA SAARAY IN UU NOQDO HOGAAMIYAHA AL-QACIDA
 Shabakada Al-Qacida ee sida weyn dagaalka uu ugula dhaxeeyo Mareykanka & xulufadiisa ayaa lix todobaad oo wadatashi aan loo kala kicin waxay ku dhawaaqeen hogaamiyaha rasmiga ah ee badalaya Cusaama Bin Ladin oo ahaa hogaamiyihii kooxdaasi.
Ayman al-Zawahri ayaa noqdey hogaamiyaha Al-Qaacida, isagoo wixii xiligan dambeeya si toos ah u hagi doono hawlada kooxda oo ay ugu muhiimsan tahay sidii loo qaadi lahaa weeraro aargoosi ah oo ku jihaysan Mareykanka ka dib dilkii Cusaama Bin ladin.
Magacaabista Ayman waxaa lagu xaqiijiyey fariin lagu baahiyey Internet-ka gaar ahaan shabakad ay adeegsato Al-Qaacida, waxaana la sheegay in magacaabistu ay timid ka dib markii ay go’aan qaateen golaha hogaaminta Al-Qaacida.
Al-Dawahiri wixii xiligan ka dambeeya ma noqon doono hogaamiyaha Al-Qaacida ee waxaa kale oo uu toos u noqonaysaa bartilmaameedka Mareykanka & Isbahaysigiisa iyagoo ka dhigtey ninka koowaad ee la beegsanayo maadama laga saarey liiska dadka loogu raadinta badan yahay Cusaama Bin Ladin oo la diley.
Ku dhawaaqista Al-Dawahiri in uu noqonayo hogaamiyaha Al-Qaacida waxay ku soo aaday maalmo yar ka dib markii uu soo saarey cajalad video ah oo uu ku jeediyey hanjabaad ka dhan ah Mareykanka isagoo tibaaxay in dhacdo la mid ah “Talaadadii madoobeyd”- oraah ay Al-Qaacida u adeegsato weeraradii 11. September 2001-dii.
Su’aasha ilaa iyo hada la iswaydiinayo ayaa ah Al-Dawahiri ma isku hayn doonaa sidii Cusaama Bin Ladin uu iskugu hayey Al-Qaacida aduunka ku kala firirsan gaar ahaan Aasiya & Bariga dhexe.
Kooxaha mukhaabaraadka ayaa rumaysan in Yemen ay noqon karto hoyga Al-Qaacida, iyagoo sidoo kale meesha aan ka saarin Soomaaliya & waliba goobaha ay haatan ku xoogan tahay ee buuraleyda Afgaanistan & Pakistan.
Naceybka Mareykanka & Yuhuuda
Al-Dawahiri naceybka Mareykanka & Yuhuuda uu u qabo ma ahan mid cusub mudo sanooyin ah ayuu muxaaradooyinka & hadalada uu jeediyo wuxuu ku xusi jirey sida ay u banaantahay dilka dadka Mareykanka & Yuhuuda, isagoo fikridihiisa si weyn quluubta ugu shubay dhalinyaro fara badan, waxaa jira warar dhanka sirdoonka oo sheegay in uu kaalin weyn ku lahaa qorsheyntii weeraradii September 11,
“Waxaan idinkula dardaarmayaa, oo idiin sheegayaa in Mareykanka & Yuhuuda aad laysaan, la yaab ma ahan inaan idinka dhaadhicyo dilkooda, in la dilana ma ahan la yaab, hadii lagu dilo xabad, hadii toorey la daro, hadii bam ama duqeyn lagu dilo, laakiin waa inay ahataan mid aad u kulul sida bir kulul” ayuu ku yiri fariin qoraal ah oo uu soo saarey 2001-dii.
Aqsa Media Center. |